Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta goβaan kama dambays ah ka soo saartay dacwadda Sacdiyo Bajaaj, iyadoo maxkamaddu ugu dambayn goβaamisay in xorriyaddeeda dib loogu soo celiyo.
Sacdiyo Bajaaj ayaa horey Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay saddex sano oo xabsi ah, hase yeeshee xukunkaas ayaa racfaan laga qaatay, waxaana dacwadda loo gudbiyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir si dib loogu eego.
Kadib dhageysiga iyo dib-u-eegista dacwadda, Maxkamadda Racfaanka ayaa sheegtay in xukunkii hore uusan ku dhisnayn sabab iyo saldhig sharci oo ku filan. Sidaas darteed, maxkamaddu waxay goβaamisay in la buriyo xukunkii saddexda sano ahaa ee horey loogu riday Sacdiyo Bajaaj.
Goβaanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ka dhigan in Sacdiyo Bajaaj ay dib u heshay xorriyaddeeda, iyadoo meesha laga saaray xukunkii hore ee xabsiga.
Goβaankan ayaa sidoo kale soo afjaraya marxaladdii racfaanka ee dacwadda, waxaana xarunta Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir maanta isugu soo baxay dad badan oo si weyn ula socday natiijada kama dambaysta ah ee kiiska.
Xukunka maxkamadda ayaa si weyn loo hadal hayaa, iyadoo dad badan ay sugayeen goβaanka kama dambaysta ah ee laga gaarayo kiiska Sacdiyo Bajaaj.