Madaxweynaha Soomaaliya Oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay qalin-jabinta in ka badan 500 oo arday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay qalin-jabinta in ka badan 500 oo arday, kuwaas oo soo dhammeystay waxbarashada saddex kulliyadood oo ka mid ah kulliyadaha uu bixiyo Machadka Daraasaadka Amniga ee hoostaga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA).

Munaasabadda qalin-jabinta ayaa ahayd mid lagu xusayay dadaalka ay ardaydu geliyeen waxbarashadooda, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda, hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, saraakiil ciidan iyo amni, macallimiinta Machadka, qalin-jabiyeyaasha iyo marti-sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, isaga oo ku bogaadiyay dadaalka iyo waqtiga ay geliyeen barashada aqoonta iyo xirfadaha la xiriira amniga.

Madaxweynaha ayaa qalin-jabiyeyaasha kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay ka barteen Machadka ay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, xoojinta amniga, ilaalinta xasilloonida dalka iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in horumarinta hay’adaha amniga qaranka ay si weyn ugu baahan tahay shaqaale iyo saraakiil leh aqoon, xirfad, karti iyo faham wanaagsan oo ku aaddan waajibaadka amni ee loo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in tayeynta aqoonta iyo tababarrada la siiyo howl-wadeennada hay’adaha amniga ay qeyb muhiim ah ka tahay qorshaha lagu dhisayo hay’ado amni oo awood u leh inay si hufan uga jawaabaan caqabadaha amni ee dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada lagu horumariyay Machadka Daraasaadka Amniga, gaar ahaan dib-u-habaynta lagu sameeyay manhajka waxbarashada, tayada aqoonta iyo tababarrada ay helaan ardayda iyo shaqaalaha ka faa’iideysta Machadka.

Qalin-jabinta in ka badan 500 oo arday ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha iyo howl-wadeennada mustaqbalka ka shaqeyn doona dhinacyada amniga iyo nabad-sugidda dalka.

Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay hambalyo iyo bogaadin loo jeediyay qalin-jabiyeyaasha, iyadoo loo rajeeyay inay aqoontooda iyo xirfadahooda cusub si wanaagsan ugu adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.