Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, H.E. Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, Mudane George Conway.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha gargaarka bani’aadannimo, xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha gargaarka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay abaaraha soo noqnoqday, roobabkii oo baaqday iyo saameynta ay xaaladahaasi ku yeesheen bulshada nugul ee ku nool deegaannada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo dadaallada lagu gaarsiinayo bulshada ay abaartu saameysay gurmad degdeg ah, gaar ahaan dadka ay ku adkaatay helitaanka biyaha, cuntada, adeegyada caafimaadka iyo nafaqada.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in gargaarka degdegga ah loo baahan yahay in lagu xoojiyo xalal waara oo bulshada ka caawiya inay ka gudubto saameynta abaaraha soo noqnoqda, isla markaana ay yeelato awood ay kaga hortagto dhibaatooyinka bani’aadannimo ee mustaqbalka.
Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo adeegyada biyaha, sugnaanta cuntada, caafimaadka, nafaqada iyo ilaalinta hab-nololeedka xoolo-dhaqatada iyo dadka kale ee nugul ee ku tiirsan ilaha dabiiciga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka dadaallada ay ku bixiyaan taageerada bulshada, isaga oo ku boorriyay in la sii xoojiyo gurmadka iyo mashaariicda wax-ka-qabashada abaaraha, gaar ahaan deegaannada ay xaaladdu aadka u saameysay.
George Conway ayaa dhankiisa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda howlaha gargaarka, si taageerada la gaarsiinayo dadka baahan ay u noqoto mid wax-ku-ool ah oo si gaar ah u gaarta bulshada ugu nugul.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, kuwaas oo ka qeyb qaatay wada-hadallada ku saabsan xaaladda bani’aadannimo iyo baahiyaha ka jira deegaannada kala duwan.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli qaybo ka mid ah Soomaaliya ay wajahaan xaalado bani’aadannimo oo la xiriira roobabkii oo baaqday, biyo yari iyo saameynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka iyo xoolaha.