Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qorow), oo uu wehelinayay Taliyaha Booliska Caasimadda, G/le Nuur Cilmi Maxamed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Suuqii Hore ee Xoolaha ee magaalada Dhuusamareeb.
Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd in la qiimeeyo xaaladda Suuqii Hore ee Xoolaha, isla markaana bulshada iyo ganacsatada loogu diyaariyo in ay si rasmi ah ugu guuraan Suuqa Cusub ee Xoolaha, kaas oo loo dhisay qaab casri ah oo loogu talagalay in lagu hagaajiyo habka iibka iyo kala iibsiga xoolaha ee magaalada.
Suuqa Cusub ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay dhismihiisa Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Galmudug, waxaana loogu talagalay in uu noqdo goob nidaamsan oo ay ku kulmaan ganacsatada xoolaha, dadka keena xoolaha iyo bulshada ka ganacsata hilibka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira xoolaha.
Duqa Caasimadda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qorow), ayaa sheegay in u guurista Suuqa Cusub ay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo bilicda iyo nidaamka magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan sidii loo heli lahaa goobo ganacsi oo leh nidaam, nadaafad iyo amni wanaagsan.
Duqa ayaa bulshada caasimadda iyo ganacsatada xoolaha faray in laga bilaabo 14-ka Agoosto 2026 si rasmi ah loogu guuro Suuqa Cusub ee loogu talagalay iibka iyo kala iibsiga xoolaha. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in wixii ka dambeeya taariikhdaasi aan xoolo lagu iibin doonin Suuqii Hore, iyadoo ganacsatada iyo bulshada laga doonayo inay si buuxda ugu wareegaan goobta cusub.
Taliyaha Booliska Caasimadda, G/le Nuur Cilmi Maxamed, ayaa isna muujiyay muhiimadda ay leedahay in suuqa cusub loo sameeyo nidaam amni oo wanaagsan, si ganacsatada iyo dadka ka adeegta suuqa ay u helaan jawi ammaan ah oo ku habboon howlaha ganacsi.
Mas’uuliyiinta ayaa intii uu socday kormeerku la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada iyo bulshada isticmaasha Suuqii Hore, waxaana lagala hadlay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo taageero qorshaha loogu guurayo Suuqa Cusub.
Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb ayaa ugu baaqday dhammaan ganacsatada xoolaha, dadka keena xoolaha iyo bulshada caasimadda inay si buuxda ula shaqeeyaan qorshahan, kaas oo looga gol leeyahay in la helo suuq xoolaad nidaamsan, ammaan ah, nadiif ah oo leh adeegyo ku habboon baahida bulshada.
Suuqa Cusub ayaa sidoo kale la filayaa inuu gacan ka geysto hagaajinta nadaafadda magaalada, yareynta ciriiriga ka dhasha dhaqdhaqaaqa xoolaha iyo in ganacsiga xoolaha loo sameeyo goob si gaar ah loogu talagalay, taas oo fududeynaysa maamulka, amniga iyo adeegyada bulshada.
Mas’uuliyiinta Degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo Caasimadda Galmudug, iyadoo la doonayo in goobaha ganacsiga loo habeeyo si waafaqsan kobaca magaalada iyo baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.
Bulshada iyo ganacsatada ayaa ugu dambeyn lagu boorriyay inay dhowraan go’aanka ku saabsan u guurista Suuqa Cusub, isla markaana ay ka qeyb qaataan sidii loo xaqiijin lahaa in suuqa cusub uu noqdo goob ganacsi oo nadiif ah, ammaan ah, nidaamsan, isla markaana wax weyn ka tari karta horumarinta ganacsiga xoolaha ee Dhuusamareeb.