Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.
Booqashada Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qeyb ka ahayd kormeerka iyo qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda iyo howlaha ay Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan deegaanada dalka, iyadoo si gaar ah loo eegayay diyaar-garowga ciidanka, xaaladda guud ee Taliska Qeybta 21-aad iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Mas’uuliyiinta ayaa markii ay gaareen xarunta Taliska waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 21-aad, waxaana kulan ay la yeesheen saraakiisha looga hadlay xaaladda guud ee Taliska, howlaha ciidanka, qorshayaasha shaqo iyo kaalinta ay ciidamada ka qaataan sugidda amniga iyo difaaca dalka.
Taliyaha Qeybta 21-aad, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Daahir, ayaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda guud ee Taliska, howlaha ay ciidamada wadaan iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ay u hayaan qaranka.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay xaaladda ciidamada, baahiyaha jira iyo howlaha la xiriira xoojinta amniga, iyadoo mas’uuliyiinta ay dhageysteen warbixinnada saraakiisha iyo talooyinka ku saabsan sidii loo sii horumarin lahaa shaqada ciidamada Qeybta 21-aad.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 21-aad kula dardaarmay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana ay mudnaanta koowaad siiyaan ilaalinta dalka, difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo sugidda amniga.
Wasiirka ayaa ciidamada ku booriyay inay muujiyaan dadaal, karti iyo masuuliyad dheeraad ah, iyadoo loo baahan yahay in ciidamada ay mar walba diyaar u ahaadaan gudashada waajibaadka qaran ee saaran, gaar ahaan howlaha lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay ilaaliyaan anshaxa milatari, midnimada iyo wadajirka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in midnimada ciidamada iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka ay muhiim u tahay guusha howlaha amniga iyo difaaca dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dhankiisa ciidamada iyo saraakiisha kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan qaranka, isla markaana ay si dhow uga shaqeeyaan xoojinta amniga iyo ilaalinta shacabka.
Booqashada ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay heerka diyaar-garowga ciidamada iyo awoodda Taliska Qeybta 21-aad ee uu kaga qeyb qaadan karo howlaha amniga iyo difaaca dalka. Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo taageerada iyo hagidda lagama maarmaanka ah si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda.
Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah kormeerro shaqo oo lagu sameynayo Talisyada iyo cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo ujeeddadu tahay in si joogto ah loo qiimeeyo howlaha ciidanka, waxqabadkooda iyo caqabadaha horyaalla.
Kormeerkan ayaa sidoo kale muhiim u ah xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada ku sugan qeybaha kala duwan ee dalka, iyadoo la doonayo in la sii horumariyo tayada, anshaxa iyo diyaar-garowga ciidamada Soomaaliyeed.