Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si rasmi ah u daahfuray Munaasabadda Qaran ee Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, taas oo diiradda lagu saaray muhiimadda uu sharcigan u leeyahay ilaalinta xuquuqda carruurta iyo da’yarta Soomaaliyeed iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ay helaan hannaan cadaaladeed oo ku habboon da’dooda iyo duruufahooda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda waxa uu si gaar ah ugu adkeeyay muhiimadda Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sharcigan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka garsoorka dalka, gaar ahaan marka ay timaaddo kiisaska la xiriira carruurta iyo da’yarta.
Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa carrabka ku adkeeyay in aanay ku filnayn oo keliya in sharciga la ansixiyo ama la daahfuro, balse loo baahan yahay in si dhab ah oo hufan loo dhaqan-geliyo, si loo xaqiijiyo in qodobbada sharciga ay si toos ah uga muuqdaan habka loo maareeyo kiisaska carruurta iyo da’yarta.
Waxa uu tilmaamay in carruurta iyo da’yartu yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah bulshada, isla markaana ay u baahan yihiin ilaalin iyo garsoor u gaar ah oo tixgelinaya da’dooda, xaaladdooda nololeed iyo mustaqbalkooda. Sidaas darteed, ayuu sheegay in hay’adaha garsoorka iyo dhinacyada kale ee ay khusayso ay leeyihiin masuuliyad weyn oo ku aaddan hirgelinta sharcigan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in nidaam cadaaladeed oo si wanaagsan ula tacaala arrimaha da’yarta uu door muhiim ah ka qaadan karo dib-u-habaynta iyo tarbiyadda carruurta iyo dhalinyarada ay soo wajahaan dhibaatooyin sharci, iyadoo mudnaanta la siinayo sixid, wacyigelin iyo dib-u-dhexgal bulsho, halkii si keliya diiradda loo saari lahaa ciqaab.
Munaasabadda Qaran ee Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda, garsoorka, laamaha amniga, waalidiinta, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha carruurta, si loo helo nidaam cadaaladeed oo si buuxda u ilaalinaya xuquuqda da’yarta.
Waxaa sidoo kale la adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, tababarka garsoorayaasha iyo shaqaalaha hay’adaha cadaaladda, iyo in la helo hannaan mideysan oo lagu dhaqan-geliyo sharciga, si carruurta iyo da’yartu u helaan adeegyo cadaaladeed oo hufan oo waafaqsan sharciga.
Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka cadaaladda dalka, iyadoo la doonayo in la xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo da’yarta, lana dhiso hannaan garsoor oo ku saleysan caddaalad, ilaalin iyo dib-u-habeyn.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan hay’adaha ay khusayso inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhaqan-gelinta sharcigan, si loo xaqiijiyo in ujeeddooyinka laga leeyahay ay noqdaan kuwo si dhab ah uga hirgala guud ahaan dalka.