Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud, isagoo halkaasi qeyb ka ah safarkiisa uu ku marayo deegaanada Galmudug, kaas oo uu ugu kuur-galayo xaaladaha amniga, horumarka iyo duruufaha nololeed ee bulshada ku dhaqan deegaannadaasi.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehlinaya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, waxaana magaalada Galinsoor si weyn ugu soo dhaweeyay boqolaal ka mid ah shacabka deegaanka oo safaf dhaadheer u galay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Intii uu magaalada ku sugnaa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan iyo is-dhexgal la sameeyay bulshada reer Galinsoor, isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo sida ay uga qeyb qaateen muujinta taageerada ay u hayaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka dalka.
Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlay shacabka reer Galinsoor ayaa ugu baaqay bulshada inay xoogga saaraan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha, isaga oo tilmaamay in amniga iyo midnimada bulshada ay yihiin aasaaska horumarka iyo nolosha wanaagsan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Galinsoor ay noqoto deegaan nabdoon oo ay si walaaltinimo, is-ixtiraam iyo wadajir ah ugu wada noolaan karaan dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada iyo nawaaxigeeda.
Safarka Madaxweynaha ee Galmudug ayaa qeyb ka ah kulamo iyo booqashooyin uu ku sameynayo deegaano kala duwan, iyadoo ujeeddadu tahay in si dhow loo ogaado xaaladaha amni, nololeed iyo baahiyaha bulshada, lana xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda Federaalka, maamulka Galmudug iyo shacabka.