Dekedda Muqdisho iyo Dowlad-goboleedyada oo xoojinaya iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko, oo ay wehliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dekedda, ayaa xarunta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirrada Wasaaradaha Dekedaha ee Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Kulanka oo ka dhacay Dekedda Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Dekedda Muqdisho iyo dekedaha Dowlad-goboleedyada, iyadoo la isla eegay fursadaha lagu horumarin karo adeegyada dekedaha iyo tayada shaqaalaha ka howlgala.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in dekeddu ay diyaar u tahay inay la wadaagto dekedaha Dowlad-goboleedyada khibradaha iyo aqoonta ay u leedahay maamulka iyo howlaha dekedaha, si loo helo shaqaale xirfad iyo aqoon dheeraad ah u leh howlaha dekedaha.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal ku saabsan tababbarro iyo barnaamijyo lagu horumarinayo awoodda shaqaalaha dekedaha Dowlad-goboleedyada, iyadoo la xoojinayo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo ee dhinacyada kala duwan.

Wasiirrada ka socday Dowlad-goboleedyada ayaa dhankooda soo dhaweeyay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dekedaha dalka ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow iyo isku-xirnaan ku saleysan khibrad-wadaag iyo horumarinta adeegyada.

Kulanka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada lagu mideynayo iskaashiga hay’adaha ka shaqeeya dekedaha Soomaaliya, si loo horumariyo adeegyada dekedaha, loo kobciyo aqoonta shaqaalaha, loona abuuro hannaan wada-shaqeyn oo horseeda horumar iyo isku-xirnaan dheeraad ah.

Ugu dambeyn, dhinacyada kulanka ka qeyb galay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha, si dekedaha Soomaaliya ay ugaalin muuqata uga qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.