Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shaqo dowladeed guddoonsiiyay Hooyo Safiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo sannadkan kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu bogaadinayay guusha waxbarasho ee Maxamed Ciise Daahir iyo dadaalka weyn ee ay Hooyo Safiya gelisay barbaarinta, waxbaridda iyo dhiirrigelinta wiilkeeda, taas oo ugu dambeyn keentay inuu kaalinta koowaad ka galo ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan u fariistay Imtixaanka Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu horreyn hambalyo iyo bogaadin u diray Hooyo Safiya, isaga oo ku ammaanay dadaalka iyo halganka ay u gashay sidii wiilkeeda uu u heli lahaa fursad waxbarasho oo wanaagsan. Wuxuu sheegay in kaalinta uu Maxamed gaaray ay qeyb weyn ku leedahay juhdiga iyo taageerada waalidkiis, gaar ahaan hooyadiis.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hooyo Safiya ku tilmaamay hooyo mudan in lagu daydo, isaga oo xusay in kaalinta koowaad ee uu wiilkeedu ka galay imtixaanka ay sidoo kale muujineyso doorka muhiimka ah ee waalidiintu ku leeyihiin horumarinta waxbarashada iyo mustaqbalka ubadkooda.

Mudane Xamsa ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo horumarinta xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin jiilka mustaqbalka hoggaamin doona dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maxamed Ciise Daahir ku bogaadiyay guusha uu gaaray, isagoo xusay in kaalinta koowaad ee uu galay aysan ahayn wax si fudud lagu helay, balse ay ka dhalatay dadaal, juhdi, dulqaad iyo taageero uu ka helay qoyskiisa iyo macallimiintiisa.

“Guuleysiga tartan la galo ma aha wax sahlan. Runtii waxaad halkaas ku gaartay dadaalka iyo halganka aad muujisay iyo barbaarinta Hooyo Safiya. Waxaan hubaa in dad badan oo kaa fursad badan maanta aad kaalinta koowaad uga horreysay, taasina waxay caddeyneysaa sida ay waalidiintu ugu dadaalaan ubadkooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in guusha Maxamed ay dhiirrigelin u noqon karto ardayda kale ee Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dhallinyarada inay xoogga saaraan waxbarashada, dadaalka iyo ka faa’iideysiga fursadaha ay helaan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Hooyo Safiya ku abaalmariyay shaqo rasmi ah oo ay ka qabato dowladda Soomaaliya, taas oo loogu aqoonsaday dadaalka iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay barbaarinta iyo waxbaridda wiilkeeda.

Sidoo kale, Maxamed Ciise Daahir oo kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ayaa lagu abaalmariyay deeq waxbarasho oo ay dowladda Soomaaliya daboolayso. Dowladda ayaa sheegtay in ardaygu waxbarashadiisa sare ka sii wadan karo halka uu isagu codsado, iyadoo dowladda ay qaadaneyso kharashaadka waxbarashada.

Tallaabadan ayaa loo arkaa dhiirrigelin ku socota ardayda Soomaaliyeed iyo waalidiinta, iyadoo dowladda ay muujisay inay garab taagan tahay dadaalka waxbarasho ee dhalinyarada iyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku dadaalaya kobcinta aqoonta iyo mustaqbalka jiilka cusub.