Golaha Shacabka oo Akhrinta Koowaad Marsiiyay Shuruuc Muhiim u ah Dakhliga iyo Nidaamka Maaliyadeed ee Dalka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 3-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa lagu soo qaaday ajandayaal dhowr ah oo la xiriira howlaha sharci-dejinta dalka, iyadoo mudanayaasha Golaha Shacabka ay ka doodeen isla markaana akhrinta koowaad marsiiyeen hindise-sharciyeedyada muhiimka u ah nidaamka maaliyadeed iyo dhaqaale ee dalka.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shahaado sharaf dhiirrigelin ah guddoonsiiyay Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Fiyoore, kaas oo lagu abaalmariyay howlkarnimadiisa iyo sida uu uga soo dhalaalay gudashada waajibaadkiisa shaqo.

Xildhibaanka ayaa lagu bogaadiyay dadaallada uu ku bixiyay u adeegidda shacabka, gaar ahaan booqashooyinka uu ku tago deegaan doorashadiisa iyo la socodka xaaladaha bulshada uu matalo. Sidoo kale, shahaadooyin dhiirrigelin ah ayaa la guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada Golaha Shacabka oo lagu ammaanay shaqada iyo dadaalka ay ka geystaan howlaha Baarlamaanka.

Intaas kaddib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ku saabsan akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedkan ayaa waxaa mudanayaasha u akhriyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, kaas oo sharaxaad ka bixiyay muhiimadda hindise-sharciyeedka iyo ujeeddooyinka laga leeyahay dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka.

Sidoo kale, Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-Sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 30, kaas oo soo baxay 20-kii Abriil 2012.

Hindise-sharciyeedkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed iyo bangiyada dalka, iyadoo wax-ka-beddellada lagu sameynayo sharciga ay muhiim u yihiin xoojinta hannaanka maamulka iyo shaqada Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa faray guddiyada ku shaqada leh labada hindise-sharciyeed ee akhrinta koowaad la marsiiyay inay soo diyaariyaan warbixinnada iyo akhrinta labaad, si hindise-sharciyeedyada dib loogu soo celiyo Golaha, loogana doodo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in hindise-sharciyeedyada loo maro dhammaan habraacyada sharci-dejinta, si ay u noqdaan kuwo si wanaagsan loo qiimeeyay oo waafaqsan baahiyaha dalka iyo shuruucda jira.

Ugu dambeyn, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise-Sharciyeedka wax-ka-beddelka Qeybtiisa 6-aad ee Hindise-Sharciyeedka Sharciga Iibka Qaranka, kaas oo la filayo in mudanayaashu ka sii ambaqaadaan ka shaqeyntiisa kulamada soo socda.

Kulanka ayaa qeyb ka ah howlaha joogtada ah ee Golaha Shacabka ee ku aaddan ansixinta, wax-ka-beddelka iyo horumarinta shuruucda dalka, iyadoo mudanayaashu ay sii wadaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira sharci-dejinta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.