Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali Dhaay, ayaa maanta xafiiska Wasaaradda ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Mudane Wamkele Mene.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya uga imaan kara hirgelinta heshiiska AfCFTA.
Xoghayaha Guud ee AfCFTA, Mudane Wamkele Mene, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda warbixin ka siiyay howlaha iyo waajibaadka hay’adda AfCFTA, iyo dadaallada socda ee lagu hirgelinayo heshiiska ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika.
Waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay kaalinta AfCFTA ay ka qaadanayso ajandaha Midowga Afrika ee Ajendaha 2063, kaas oo diiradda saaraya horumarinta dhaqaalaha, isku-xirka dalalka Afrika, kobcinta ganacsiga qaaradda iyo sare u qaadista fursadaha dhaqaale ee dadka Afrikaanka ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay hirgelinta qaab-dhismeedka AfCFTA, iyadoo Soomaaliya ay hore u ansixisay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika.
Mudane Cabdisalaam Cali Dhaay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in si buuxda looga faa’iidaysto fursadaha uu AfCFTA u abuuri karo dalka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, wax-soo-saarka gudaha iyo is-dhexgalka dhaqaale ee qaaradda.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ka mid noqoshada iyo hirgelinta AfCFTA ay Soomaaliya u noqon karto fursad lagu ballaarin karo suuqyada ganacsiga, laguna dhiirrigelin karo maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay heli karaan fursado dheeraad ah oo ay badeecadahooda ugu suuq-geeyaan dalalka kale ee Afrika.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xoojiyay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada ganacsiga, si Soomaaliya ay awood ugu yeelato inay si wanaagsan uga faa’iidaysato isku-xirka suuqyada Afrika.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku afgartay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha, si loo taageero dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadidda wada-shaqeynta Soomaaliya iyo AfCFTA, iyadoo la adkeeyay in fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka dhasha is-dhexgalka dhaqaale ee Afrika si gaar ah looga faa’iideysto.
AfCFTA ayaa ah heshiis loogu talagalay in lagu fududeeyo ganacsiga dalalka Afrika, korna loogu qaado isku-xirka dhaqaale ee qaaradda, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso inay si weyn uga faa’iideysato fursadaha uu heshiiskani u abuuri karo ganacsatada, maalgashadayaasha iyo dhaqaalaha dalka.