Madaxweyne Xasan Sheekh oo Farriin Muhiim ah u Diray Shacabka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay intii ay ku sugnaayeen deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in farriinta ugu weyn ee safarkiisa Galmudug ay ahayd xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay ka shaqeyso sidii loo sii adkeyn lahaa isku duubnida iyo dowladnimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bulshada la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada kala duwan ee muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay guulaha laga gaaray amniga, dowlad-dhiska, dhammeystirka Dastuurka iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka ay muhiim u yihiin in la helo jawi ku habboon horumarka, maalgashiga iyo adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo in shacabka iyo dowladda ay iska kaashadaan sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.

Dhanka dowlad-dhiska, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu dhisayo hay’ado dowladeed oo awood u leh inay si hufan ugu adeegaan shacabka, iyadoo mudnaanta la siinayo xoojinta nidaamka federaalka iyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda dhammeystirka Dastuurka, isagoo tilmaamay in Dastuur dhameystiran uu saldhig u yahay xasilloonida siyaasadeed, dowladnimada iyo nidaamka sharci ee dalka.

Sidoo kale, wuxuu bulshada uga warbixiyay dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka doorashooyinka tooska ah, kaas oo dowladda ay sheegtay inuu muhiim u yahay in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah uga qayb qaataan doorashada hoggaamiyeyaashooda.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan ajandeyaasha qaranka, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka inay ilaashadaan nabadda iyo wadajirka bulshada, isagoo xusay in horumarka dalka uu ku xirnaan doono iskaashi dhab ah oo dhex mara dowladda, bulshada iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed.