Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi “Gen. Khaalid”, ayaa gaaray deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu booqasho ku tagay difaacyada hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa inta uu ku sugnaa aaggaasi u kuurgalay xaaladda ciidamada iyo howlaha ciidan ee ka socda furumaha dagaalka, isagoo sidoo kale warbixinno ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan goobaha hore.
Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi waxaa socdaalka ku wehliyay Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doctrine-ka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Axmed Ciise Axmed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cali Cageey, ayaa Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ku soo dhaweeyay difaacyada hore, isagoo ka warbixiyay xaaladda amni ee deegaanka, dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ee ka socda qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Intii uu la hadlayay ciidamada ku sugan furumaha, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi ayaa ku ammaanay askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed naf-hurnimada, geesinimada iyo dadaalka ay ku bixinayaan sugidda amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan feejignaanta iyo isku-duubnida, isla markaana ay mar walba diyaar u ahaadaan ka hortagga weerarrada iyo dhagaraha cadowga.
Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in geesinimada iyo adkeysiga ay ciidamada ku muujiyaan furumaha dagaalka ay muhiim u yihiin guulaha laga gaarayo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada dowladda ay xoojinayaan dhaq-dhaqaaqyada milatari iyo difaacyada hore ee gobolka.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa qeyb ka ah kormeerro uu saraakiisha ciidamada ugu kuurgalayaan xaaladda furumaha iyo howlaha lagu sugayo amniga, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta awoodda ciidamada iyo dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.