Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu xusay 15 sano guuradii kasoo wareegtay dib-u-xoojintii xiriirka diblumaasiyadeed, iskaashi iyo walaaltinnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Türkiye.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 15 sano ka hor Soomaaliya ay ku jirtay mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa ee taariikhdeeda, xilli dalka ay ka jireen abaaro, macaluul iyo amni-darro ba’an.
Wuxuu xusay in 19-kii Agoosto 2011, Madaxweynaha maanta ee Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, uu qaatay go’aan taariikhi ah oo uu ku booqday magaalada Muqdisho, taas oo uu sheegay inay ahayd farriin cad oo muujinaysay in shacabka Soomaaliyeed aysan kaligood ahayn.
“Booqashadaasi waxay Soomaaliya u furtay bog cusub, muddo kooban kadibna xiriirkii labada dal wuxuu isu beddelay iskaashi istaraatiiji ah oo dhinacyo badan taabanaya, sida waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo ganacsiga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in 15 sano kadib xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye uu maanta astaan u yahay saaxiibtinnimo dhab ah iyo iskaashi xooggan, isagoo xusay in dowladda iyo shacabka Türkiye ay mar walba garab istaagaan Soomaaliya xilliyada adag.
Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in mid ka mid ah maalgelinnada ugu saameynta badan ee Türkiye ku samaysay Soomaaliya ay tahay maalgelinta dadka, isaga oo tilmaamay in kumannaan arday Soomaaliyeed ay wax ku barteen dalka Türkiye, isla markaana ay Soomaaliya kusoo laabteen iyagoo noqday dhakhaatiir, injineerro, macallimiin iyo aqoonyahanno.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha dhaadheer ee dalka, bulshada oo u badan dhallinyaro, khayraadka kalluunka, dhul-beereedka baaxadda leh iyo fursadaha dhanka tamarta.
Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarisay qorshayaal lagu horumarinayo khayraadka iyo fursadaha dalka, si loogu beddelo wax-soo-saar, shaqo-abuur iyo koboc dhaqaale.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Türkiye ay horyaallaan fursado waaweyn oo lagu sii xoojin karo xiriirkooda, loona beddeli karo iskaashi horseeda horumar iyo barwaaqo waarta oo labada shacabba ay ka faa’iideystaan.