Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Shir-guddoomiyay Kulanka Guddiga Joogtada Ah Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo muhiim u ah dardargelinta howlaha Aqalka Sare, iyadoo diiradda lagu saaray ajandayaasha mudnaanta u leh fadhiyada Golaha, qaabaynta iyo diyaarinta hadal-qoraallada fadhiyada Guddiga, iyo xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka hay’adaha dowladda.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiyeyaasha Guddiyada Aqalka Sare ayaa soo bandhigay aragtiyo iyo soo-jeedinno la xiriira habraacyada korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Guddiyada Aqalka Sare ay si firfircoon u gutaan kaalintooda dastuuriga ah.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa habraacyada shaqo ee Guddiyada, loona dardargelin lahaa howlaha la xiriira kormeerka, dabagalka iyo isla-xisaabtanka, si loo xaqiijiyo in hay’adaha dowladda ay si hufan oo waafaqsan sharciga u gutaan waajibaadkooda.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhaqan-geliyo talooyinka iyo aragtiyada wax-ku-oolka ah ee ay soo jeediyeen xubnaha Guddiga, isagoo ku booriyay Guddiyada inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta waqtiga shaqada, joogteynta soo-xaadirista xubnaha iyo u hoggaansanaanta habraacyada shaqo ee Golaha, si loo xaqiijiyo in waajibaadka loo igmaday loo guto si hufan, masuuliyad iyo daacadnimo leh.

Kulanka ayaa qeyb ka ah howlaha joogtada ah ee Aqalka Sare uu ku dardargelinayo gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, gaar ahaan korjoogteynta howlaha dowladda, isla-xisaabtanka hay’adaha qaranka iyo ka shaqeynta arrimaha muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed.