Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Kulan Wadatashi ah ka Furtay Borotokoollada Geneva

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ka furay kulan wadatashi ah oo si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray daraasad ku saabsan waafaqsanaanta shuruucda gudaha Soomaaliya iyo Borotokoollada Dheeraadka ah ee Heshiisyada Geneva, kuwaas oo muhiim u ah ilaalinta dadka rayidka ah iyo dadka kale ee ay saameeyaan colaadaha hubeysan.

Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay nuxurka daraasadda iyo qodobbada muhiimka ah ee la xiriira waajibaadka Soomaaliya ka dhalan kara ku biirista Borotokoollada Dheeraadka ah ee Heshiisyada Geneva. Waxaa sidoo kale la falanqeeyay sida loo waafajin karo sharciga gudaha dalka iyo waajibaadka ka dhasha heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Kulanka waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta bani’aadannimada, kuwaas oo si wadajir ah uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo geeddi-socodka Soomaaliya ugu biiri karto Borotokoolladaas.

Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale is-dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin ku saabsan tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado, si loo xoojiyo ilaalinta dadka ay saameeyeen colaadaha iyo in la horumariyo waafaqsanaanta sharciga gudaha Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah.

Ku biirista Borotokoollada Dheeraadka ah ee Heshiisyada Geneva ayaa Soomaaliya ka caawin karta inay sii xoojiso nidaamkeeda sharci, isla markaana ay shuruucdeeda gudaha si waafaqsan ugu waafajiso waajibaadka ka dhasha heshiisyada caalamiga ah ee ay qayb ka tahay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in geeddi-socodkan ay si dhow ula kaashato Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hay’adaha dowladda iyo dhammaan bah-wadaagta ay arrintani khusayso.

Kulankan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-tashiga hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta bani’aadannimada, iyadoo ujeeddadu tahay in Soomaaliya ay yeelato hannaan sharci oo si wanaagsan uga tarjumaya waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalamiga ah.