Xalay fiidkii ayay aheyd markii rah hubeysan ay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dileyn nin la sheegay in uu ka mid ahaa ergadii soo dooratey Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Ninkaas oo lagu Magacaabi jirey Cabdi Cali Gareen ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu ahaa ganacsade,lagu soo warayaa in raggii hubeysnaa ee ka dambeeyey dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.
Wararka saakay naga soo gaaraya magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa.dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan howlgallo baaritaano ah.
Maamulka magalada Baladweyne iyo saraakiisha ciidamada intaba weli wax faah faahin ah kama bixin dilka ninka ka tirsanaa ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka iyo waxyaabaha lagu soo qabtay howlgalka la sameeyey.