Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.
Kulanka oo uu qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda UNDP, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay howlaha socda iyo qorshayaasha iskaashi ee mustaqbalka.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa taageerada ku aaddan mudnaanta Soomaaliya ee dhinacyada dhismaha nabadda, xasilinta dalka, dib-u-heshiisiinta iyo guud ahaan dowlad-dhiska.
Wasiir Cali Yuusuf Cali ayaa kulanka ku soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay hay’adda taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo dowlad-dhiska iyo xoojinta hay’adaha qaranka.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo UNDP, si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah oo ka qayb qaata nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Dhankiisa, Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis, ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dhinac, iyadoo la taageerayo qorshayaasha iyo mudnaanta dowladda Soomaaliya.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dhinac, si loo taageero dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo dowlad-dhiska.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa ugu dambeyn soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar uu ka gaaro shaqada cusub ee uu ka bilaabay Soomaaliya.