Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aadan Abuukar Cusmaan (Sheekh Suufi Yare), iyo xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda SoDMA ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka, gaar ahaan khataraha la xiriira fatahaadaha, isbeddelka cimilada iyo saadaasha El Niño, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada loogu diyaar-garowayo musiibooyinka iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta ay ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulanka ka sheegay in diyaar-garowga iyo wacyigelinta bulshada ay yihiin tallaabooyin muhiim ah oo lagu yareyn karo khasaaraha ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah. Wuxuu tilmaamay in bulshada loo baahan yahay in si joogto ah loogu baraarujiyo khataraha soo wajihi kara, gaar ahaan xilliyada ay jiraan saadaalo la xiriira roobab xooggan, fatahaado iyo xaalado cimilo oo aan caadi ahayn.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafa-guray doorka muhiimka ah ee Culimada Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan wacyigelinta bulshada. Culimadu waxay si toos ah ula xiriiraan bulshada, waxaana la isku raacay in awoodda iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin looga faa’iideysto gudbinta farriimaha ku saabsan badbaadada, feejignaanta, is-caawinta iyo ilaalinta nafaha iyo hantida.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xusay in Culimadu ay yihiin laf-dhabar muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay door muuqda ka qaadan karaan sidii bulshada loogu diyaarin lahaa xaaladaha degdegga ah. Wuxuu sheegay in farriimaha wacyigelinta ee ay Culimadu gaarsiiyaan bulshada ay si weyn uga qeyb qaadan karaan in dadku fahmaan tallaabooyinka ay qaadi karaan marka ay dhacaan fatahaado ama musiibooyin kale.
Dhanka kale, waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, iyadoo la doonayo in la sameeyo wacyigelin joogto ah oo bulshada lagu gaarsiiyo macluumaad sax ah oo ku saabsan diyaar-garowga musiibooyinka iyo hababka looga hortagi karo ama loo yareyn karo khasaaraha.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa Culimada ugu baaqay inay si firfircoon uga qeyb qaataan dadaallada lagu badbaadinayo bulshada, ayna dadka ku dhiirrigeliyaan is-caawinta iyo in ay qaataan tallaabooyinka looga hortagayo khataraha musiibooyinka. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada ay si dhow ula socdaan digniinaha iyo talooyinka hay’adaha dowladda ee qaabilsan maareynta musiibooyinka.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada SoDMA ay ku xoojinayso iskaashiga hay’adaha kala duwan iyo qeybaha bulshada, si loo helo hannaan mideysan oo loogu diyaar-garoobo musiibooyinka, loogana jawaabo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhasha fatahaadaha, abaaraha iyo khataraha kale ee dabiiciga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa mar kale ku boorriyay Culimada Soomaaliyeed inay xoojiyaan doorkooda wacyigelineed, isla markaana ay bulshada gaarsiiyaan farriimo joogto ah oo ku saabsan feejignaanta, diyaar-garowga, is-caawinta iyo ilaalinta nafaha iyo hantida, si loo yareeyo saameynta ay musiibooyinka ku yeelan karaan shacabka Soomaaliyeed.