Golaha Wasiirrada oo ka hadlay kobaca dhaqaalaha iyo guulaha laga gaaray amniga dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga, difaaca, dhaqaalaha iyo horumarinta maaliyadda dalka.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda amniga dalka, howlgallada ciidamada qalabka sida iyo horumarka laga sameeyay dhinaca dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadda dowladda.

Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Warbixinta ayaa muujisay isbeddel wanaagsan oo laga sameeyay sugidda amniga, iyadoo ciidamada Qaranka ay horumar la taaban karo ka sameeyeen goobaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, isla markaana jab xooggan gaarsiiyeen kooxahaasi.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale warbixin dhammaystiran ka dhagaystay Wasaaradda Maaliyadda XFS, taas oo ku saabsan xisaab-xirka sanadeedka 2025, kobaca dhaqaalaha dalka, dakhli-uruurinta gudaha, canshuuraha iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Warbixinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha dalka uu sameeyay koboc dhan 3.1 boqolkiiba, gaar ahaan marka loo eego halbeegga GDP-ga ee lagu cabbiro wax-soo-saarka guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo warbixinta kadib hadal kooban u jeediyay Golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay gaarto isku-filnaansho dhaqaale, iyadoo xoogga la saarayo ka faa’iideysiga wax-soo-saarka gudaha, khayraadka dalka iyo kobcinta fursadaha maalgashi.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kordhinta dakhli-uruurinta gudaha, dhiirrigelinta maalgashiga, xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed, iyo sidoo kale ilaalinta iyo beekhaaminta hantida iyo raasumaalka qaranka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku ammaanay horumarka ay ka sameysay maamulka maaliyadda dalka, gaar ahaan qiimeyntii uu sameeyay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud, kaas oo markii ugu horreysay maamulka maaliyadda dowladda siiyay qiimeynta loo yaqaan “Aragti Nadiif ah”, taas oo ka tarjumaysa heerka ugu sarreeya ee hufnaanta maaliyadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu si weyn uga soo kabanayo caqabadihii soo maray, isagoo xusay in dowladda ay ku howlan tahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa isku-filnaansho dhaqaale oo mustaqbalka suuragelin karta in Soomaaliya ay si weyn uga maaranto ku-tiirsanaanta kaalmooyinka shisheeye.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in horumarka dhaqaale iyo kobaca dakhliga gudaha ay yihiin kuwo muhiim u ah dhismaha dowlad awood leh, isagoo xusay in isku-filnaanshaha dhaqaale uu yahay tiir muhiim u ah adkeysiga iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.