Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadannimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha shaqo ee guddiga, shuruucda horyaalla iyo arrimaha muhiimka ah ee la xiriira xuquuqul insaanka, ilaalinta xuquuqda haweenka iyo arrimaha bani’aadannimada ee dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble, iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Cali Barako ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha uu guddigu qabtay, shuruucda hortaalla iyo qorshayaasha la xiriira gudashada waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen warbixinno ku saabsan kulamadii ugu dambeeyay ee guddigu yeeshay iyo dadaallada ay ku bixinayaan sidii loo dardargelin lahaa shaqada baarlamaanka, gaar ahaan sharciyada iyo arrimaha si toos ah u taabanaya xuquuqda iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa dhankiisa ku ammaanay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadannimada dadaalka iyo waqtiga uu geliyo gudashada waajibaadkiisa Qaran.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay muhiimadda ay guddigu u leeyihiin horumarinta iyo dabagalka shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddiga kula dardaarmay inay sii laba-jibaaraan shaqada ay hayaan, isla markaana ay xoogga saaraan dardargelinta shuruucda horyaalla iyo gudashada waajibaadka loo igmaday.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa Guddoonka Golaha Shacabka iyo guddiyada Baarlamaanka, si loo dardargeliyo howlaha sharci-dejinta iyo horumarinta dowladnimada dalka.