Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo shir guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo diyaar-garowga dowladda ee ka hortagga fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka Dayrta ee la filayo inay dhowaan ka bilowdaan qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan saameynta ay abaaruhu ku yeesheen bulshada, xoolaha iyo nolol-maalmeedka dadka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale si gaar ah looga hadlay saadaasha roobabka Dayrta iyo khataraha fatahaadaha ka dhalan kara roobab xooggan oo ka da’a deegaanada ay maraan wabiyada iyo dhulka hoose ee biyo-mareennada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo xoojiyo diyaar-garowga hay’adaha dowladda, si looga hortago khasaaraha naf iyo maal ee ay sababi karaan fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee degdegga ah. Waxa uu guddiga ku boorriyay inay bulshada si joogto ah uga wacyigeliyaan khataraha fatahaadaha, gaar ahaan dadka ku nool hareeraha wabiyada, dhulka hoose iyo goobaha ay biyuhu si fudud ugu soo fatahi karaan.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu badbaadinayo dadka iyo xoolaha haddii ay dhacaan fatahaado culus. Waxa uu tilmaamay in wacyigelinta bulshada, digniinta hore iyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan ay muhiim u yihiin yareynta khasaaraha ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah.

Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan heerka diyaar-garowga iyo qorshayaasha looga jawaabayo masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah. Sidoo kale, waxaa laga hadlay qorshe lagu gaarsiinayo fariimaha wacyigelinta bulshada ku nool deegaanada ay ugu badan tahay khatarta fatahaadaha, si ay uga taxaddaraan xaaladaha roobabka la filayo.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray baahida loo qabo in si dhow loo isku xiro hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha samafalka, si loo helo jawaab mideysan oo degdeg ah marka ay dhacaan xaalado bani’aadannimo oo ka dhasha abaaraha ama fatahaadaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyn faray Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka inay xoogga saaraan isku-duwidda howlaha gurmadka iyo abaabulka dhammaan dhinacyada ka qeyb qaadan kara gurmadka, gaar ahaan deeq-bixiyeyaasha, hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale ku boorriyay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda, isagoo xusay in iskaashiga dowladda iyo shacabka uu muhiim u yahay wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo awoodda dalka ee ka hortagga iyo ka jawaabista masiibooyinka, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadinta nafta dadka Soomaaliyeed, ilaalinta xoolaha iyo yareynta saameynta ay abaaraha iyo fatahaaduhu ku yeeshaan bulshada.