Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo NISA oo loo soo xiray tababar heer sare ah oo ku saabsan dambi-baarista

Tababar heer sare ah oo muddo hal sano ah socday, kaas oo lagu barayay saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan, ayaa loo soo xiray ciidamada ka qeyb galay.

Tababarkan ayaa qeyb weyn diiradda lagu saarayay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ciidamada ee la xiriira baarista dambiyada, iyadoo lagu tababarayay hababka casriga ah ee loo baaro goobaha dambiyada, ururinta iyo ilaalinta caddeymaha, iyo farsamooyinka lagu xaqiijiyo xogta muhiimka u ah baaritaannada.

Ciidamada ayaa sidoo kale lagu barayay sida loo maareeyo caddeymaha laga helo goobaha dambiyada, si loo ilaaliyo saxnimadooda loogana fogaado wax kasta oo saameyn ku yeelan kara baaritaanka iyo hannaanka caddaaladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa tababarkan ka heshay taageero dhanka farsamada ah oo ay bixisay Dowladda Mareykanka, iyadoo tababarka ay bixinayeen khubaro caalami ah oo ku takhasusay dambi-baarista, baaritaanka goobaha dambiyada iyo cilmiga la xiriira caddeymaha dembiyada.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay oo ka hadlay Sii-hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Mas’uuliyiinta ayaa dhammaantood carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga iyo garsoorku yeeshaan ciidamo leh aqoon, xirfad iyo khibrad ku filan oo ku saabsan baarista dambiyada iyo maaraynta caddeymaha.

Waxay sidoo kale tilmaameen in dambi-baarista xirfadaysan ay muhiim u tahay xaqiijinta caddaaladda, maadaama caddeymaha laga helo goobaha dambiyada ay door muhiim ah ka qaataan baaritaanka kiisaska iyo go’aannada ay gaaraan hay’adaha garsoorka.

Mas’uuliyiintu waxay xuseen in horumarinta awoodda ciidamada ee dhinaca dambi-baarista ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo garsoorka Soomaaliya, iyadoo la doonayo in baaritaannada dambiyada loo maro hannaan xirfadeed, cilmi ku dhisan iyo mid waafaqsan sharciga.

Saraakiisha iyo ciidamada dhameystay tababarka ayaa hadda loo diyaariyay inay si xirfad iyo cilmi ku dhisan uga howlgalaan goobaha dambiyada, una qabtaan baaritaannada si waafaqsan habraacyada casriga ah ee dambi-baarista.

Waxay sidoo kale awood u yeelan doonaan inay si habboon u ururiyaan, u diiwaangeliyaan una ilaaliyaan caddeymaha laga helo goobaha dambiyada, taas oo gacan ka geysan karta in la helo baaritaanno lagu kalsoonaan karo iyo caddeymo si sharci ah loogu adeegsan karo hannaanka garsoorka.

Tababarkan oo socday muddo hal sano ah ayaa noqonaya tallaabo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada baarista dambiyada, ilaalinta caddeymaha iyo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha amniga iyo garsoorka.