Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo kormeeray diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026, oo lagu diyaarinayo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi loogu soo bandhigay howlaha ka socda xarunta iyo heerka uu marayo diyaarinta warbixinta oo lagu ururinayo wax-qabadka Xukuumadda muddadii ay xilka haysay. Warbixintan ayaa diiradda lagu saarayaa qorshayaashii dowladda, mashaariicdii la hirgeliyay iyo horumarradii laga sameeyay dhinacyada kala duwan ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay muddadii ay jirtay ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah, kuwaas oo saldhig u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni-jirka ah ee Soomaaliya 2060.

Howl-wadeennada diyaarinaya warbixinta ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay waxyaabihii laga hirgeliyay lixda tiir ee Xukuumadda, kuwaas oo kala ah amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la’ah iyo garsoorka. Sida lagu sheegay warbixinta, waxaa la sameeyay horumarro dhinacyo badan leh, iyadoo la xusay koror laga gaaray adeegyada iyo howlaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada, midnimada, isku-duubnida iyo wada-shaqaynta shacabka iyo dowladda, si loo gaaro horumar muuqda oo la taaban karo.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay u socoto mustaqbal ku dhisan midnimo, amni, horumar iyo barwaaqo, isagoo tilmaamay in himilada dowladda ay tahay in la helo Soomaali mideysan, argagixisadana laga ciribtiro, iyadoo la horumarinayo khayraadka dalka lana dhiirrigelinayo maalgashiga.

“Waxa aan doonaynaa in laga wada shaqeeyo horumarka Qaranka, hirgalinta hiigsiga dalkeenna iyo midnimada ummadda. Waxa aan hubaa in meesha aan u soconno ay fogtahay oo aysan dhowayn, wali kow ma joogno, waxa ina sugaya jid-dheer oo u baahan samir iyo adkaysi, waxa aynu u soconnaa Soomaali mid ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Warbixinta Wax-qabadka Xukuumaddu ay qeyb muhiim ah ka tahay dhaqanka la-xisaabtanka iyo isla-xisaabtanka dowladda, iyadoo shacabka Soomaaliyeed loogu soo bandhigayo wax-qabadka Xukuumadda iyo natiijooyinka laga gaaray qorshayaashii loo dejiyay.

Warbixinta ayaa ah mid ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, kuwaas oo soo gudbinaya xogta iyo wax-qabadka hay’adahooda muddadii u dhexeysay 2022–2026.

Sidoo kale, warbixinta kama dambaysta ah ayaa loo gudbiyay Akadeemiyada Goboleedka Afka iyo Dhaqanka, si loogu sameeyo tifaftir dhinaca qoraalka iyo eray-bixinta Af-Soomaaliga ah, maadaama ay noqon doonto dukumenti rasmi ah oo qayb ka noqonaya dhaxal-reebka dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaarinta warbixintan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo in shacabka loo bandhigo natiijooyinka wax-qabadka hay’adaha dowladda.