Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, ayaa shir-guddoomiyey Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin hindise-sharciyeedyada horyaalla Golaha, gaar ahaan wax ka beddelka qaybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.
Ugu horreyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi, ayaa mudanayaasha la wadaagay warbixinta Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka wax ka beddelka qaybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo aragtiyahooda ka dhiibtay hindise-sharciyeedkan ayaa soo jeediyay in dib loogu celiyo guddiga soo diyaariyey, iyagoo codsaday in kulanka maanta lagu soo koobo Akhrinta Saddexaad, halka u codeynta hindise-sharciyeedkana dib loo dhigo.
Xildhibaanada ayaa soo xigtay qodobo ka mid ah Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, iyagoo ku dooday in loo baahan yahay waqti dheeraad ah oo lagu sii eego qodobada ku jira hindise-sharciyeedka ka hor inta aan loo qaadin tallaabada u codeynta.
Dhinaca kale, Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, isaga oo faahfaahin ka bixiyay muhiimadda hindise-sharciyeedkan iyo ujeeddooyinka laga leeyahay.
Hindise-sharciyeedkan ayaa Golaha loo horkeenay si loo bilaabo hannaanka sharci-dejinta ee ku saabsan dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed, iyadoo Xildhibaanada ay heli doonaan fursad ay kaga doodaan qodobadiisa inta uu marayo heerarka kala duwan ee akhrinta.
Markii ay soo idlaatay doodihii iyo ajandayaashii kulanka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulanka soo xiray, isagoo faray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda inay dib ula laabtaan Hindise Sharciyeedka wax ka beddelka qaybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Guddoomiyaha ayaa guddiga faray inay hindise-sharciyeedka dib ugu soo celiyaan Golaha kulanka xiga, si markaas loo sii ambaqaado hannaanka sharci-dejinta, loona diyaariyo in loo codeeyo.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Xildhibaanadu si buuxda uga qeyb qaataan fadhiyada Golaha Shacabka, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan doonin maqnaanshaha aan sababta lahayn.
Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday Xildhibaanada yimaada fadhiyada, iska xaadiriya, kadibna isaga baxa kulanka iyadoo uu weli socdo. Wuxuu tilmaamay in hab-dhaqankaasi uu saameyn ku yeelan karo shaqada Golaha iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Xildhibaanada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay ilaaliyaan nidaamka Golaha, joogteeyaan ka qeybgalka fadhiyada iyo doodaha, isla markaana si masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday.