Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha (Somalia–China Business Networking Forum), oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Madashan oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka ganacsi iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa noqotay fursad ay ganacsatada, maalgashadayaasha iyo hay’adaha dowladda labada dhinac kaga wada hadlaan sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, safiirrada Soomaaliya iyo Shiinaha, wakiillo ka socday Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Afrika iyo Shiinaha, iyo sidoo kale ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socda Soomaaliya iyo Shiinaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha ku dhiirrigeliyey shirkadaha iyo maalgashadayaasha Shiinaha inay si weyn u eegaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dalka uu leeyahay khayraad dabiici ah, dhul ballaaran, xeeb dheer iyo fursado ganacsi oo kala duwan oo u baahan maalgashi iyo horumarin.
Waxa uu si gaar ah u xusay fursadaha ka jira kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka gudaha, kalluumeysiga, beeraha, tamarta, gaadiidka iyo saadka, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin dhinacyo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha uusan ku koobnaan oo keliya ganacsiga, balse uu horseedo maalgelin waarta, kobcinta wax-soo-saarka gudaha, horumarinta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed iyo abuurista shaqooyin cusub, gaar ahaan dhalinyarada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku muujisay sida ay uga go’an tahay fududeynta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo soo jiita maalgashadayaasha caalamiga ah. Dowladda ayaa sidoo kale xoogga saaraysa xoojinta xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dalalka saaxiibka ah, iyadoo Shiinaha uu ka mid yahay dalalka muhiimka ah ee xiriirka ganacsi iyo diblomaasiyadeed la leh Soomaaliya.
Madasha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sidoo kale fursad u ah ganacsatada Soomaaliyeed inay la kulmaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha Shiinaha, isla markaana ay soo bandhigaan fursadaha ganacsi ee ka jira dalka.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, dhiirrigelinta maalgashiga gaarka loo leeyahay iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha, iyadoo la doonayo in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato khayraadkeeda iyo fursadaha dhaqaale ee ka jira dalka.
Mas’uuliyiinta iyo ganacsatada ka qeyb-gashay madasha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha, si labada dhinac ay uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee labada dal ka jira