Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Talaado ah xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktas, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socday Hay’adda Hasene, oo ka shaqeysa arrimaha bini’aadantinimada iyo taageerada bulshada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed iyo adeegyada bulshada ee laga hirgeliyo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa kulanka uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiyaan, isagoo tilmaamay in taageeradaasi ay door muhiim ah ka qaadatay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, si loo helo mashaariic wax-ku-ool ah oo si toos ah uga jawaaba baahiyaha bulshada ku nool Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha magaalada.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga hay’adaha samafalka iyo kuwa horumarinta ee Türkiye ay ku taageeraan Muqdisho, iyadoo xoogga la saarayo mashaariic waara oo kor u qaadi kara nolol-maalmeedka bulshada iyo adeegyada ay helaan shacabka.
Danjire Alper Aktas ayaa dhankiisa muujiyay sida ay dowladda Türkiye uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Türkiye. Waxa uu sheegay in Türkiye ay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo adeegyada bulshada.
Wafdiga Hay’adda Hasene ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo mashaariicda bini’aadantinimo ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa lagu taageerayo bulshada nugul iyo dadka u baahan adeegyada aasaasiga ah.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadidda wada shaqeynta iyo isku-xirka dhinacyada ay khuseyso, si loo xoojiyo taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Muqdisho.
Xiriirka Soomaaliya iyo Türkiye ayaa sanadihii u dambeeyay sii xoogeysanayay, iyadoo labada dhinac ay iska kaashadaan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta, bini’aadantinimada, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska hay’adaha dalka.