Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xiray wadooyin hor leh oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, xilli Madaxweyne Farmaajo dhawaan uu Amray in la furo wadooyinka xiran.
Madaxweynaha ayaa Amray muddo 48 Saacadood gudahood ah in la furo inta badan wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho ka dib markii uu dhawaan kulan la qaatay guddiga Amniga Qaranka.
Wadooyinka ciidanka ay xireen ayaa ah kuwa xaafadaha dhexdooda mara oo xittaa gaadiidka qaar aysan marin, balse ay isticmaalaan kaliya mootooyinka Bajaajta, waxaana lagu jaray biro dhaadheer oo la dhex suray barta surinada.
Ciidamada Ammaanka ayaa gabi ahaanba xiray, Wadooyinka xaafadaha dhexmara ee mootooyinka mari jireen ee Degmada Waaberi iyo Degmada Hawlwadaag.
Waxaa muuqata in uusan hirgalin Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in la furo wadooyinka xiran, si aan shacabka loo dhibaateyn.