Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo arrimo la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah amniga, siyaasadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Intii uu kulanku socday, Golaha Wasiirradu waxay si gaar ah uga hadleen xaaladda amni ee dalka iyo dadaallada socda ee lagu sugayo amniga, laguna wiiqayo awoodda Khawaarijta, iyadoo la xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo taageerada shacabka ee howlaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada.
Dhinaca xiriirka diblomaasiyadeed, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey laba heshiis oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Muritaaniya.
Heshiisyada la ansixiyey ayaa kala ah Heshiiska Wada-tashiyada Siyaasadeed iyo Heshiiska Iskaashiga Barnaamijka Tababbarka Diblumaasiyadda.
Heshiiska Wada-tashiyada Siyaasadeed ayaa muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga aragtiyada labada dowladood, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda iyo qodobbada khuseeya danaha labada dal iyo gobolka.
Sidoo kale, heshiiska Iskaashiga Barnaamijka Tababbarka Diblumaasiyadda ayaa fursad u abuuraya in la xoojiyo tababbarrada iyo kobcinta aqoonta iyo xirfadaha diblomaasiyiinta labada dal, iyadoo la dhiirrigelinayo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta la xiriirta howlaha diblomaasiyadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyadan u aragta kuwo wax weyn ka tari kara horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda iyo tababbarrada shaqaalaha.
Ansixinta heshiisyadan ayaa sidoo kale la filayaa inay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Muritaaniya, iyadoo labada dowladood ay yeelanayaan hannaan rasmi ah oo lagu dardargelinayo wada-tashiyada siyaasadeed iyo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan.
Golaha Wasiirrada ayaa kulankooda ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay sii ballaariso xiriirrada iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika iyo kuwa kale ee caalamka, si loo xoojiyo danaha qaranka iyo doorka Soomaaliya ee gobolka iyo qaaradda Afrika.