Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa daahfuray kulan looga hadlayey taageerada iyo iskaashiga Howlgalka Booliska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga Gudaha, Xafiiska Amniga Qaranka, saraakiil ka socday Booliska Dowlad-goboleedyada iyo xubno ka tirsan Booliska Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo taageerada dhinaca horumarinta awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo laga wada hadlay qorshayaasha lagu sii horumarinayo howlaha booliska iyo sugidda amniga.
Howlgalka Booliska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa muddo dheer kaalin ka qaadanayey taageerada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, horumarinta xirfadaha saraakiisha iyo ciidamada, maaraynta dambiyada, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo maamulka amniga.
Taageeradaasi ayaa sidoo kale ku saabsan dib-u-dhiska iyo horumarinta xarumaha shaqada ee Booliska, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo awoodda hay’adaha amniga iyo in shacabka loo helo adeeg boolis oo hufan, xirfad leh oo ku saleysan sharciga.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibbada caalamka taageerada ay siiyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo wada-shaqeyntii ay la lahaayeen ciidamada muddadii 13-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay.
Taliyaha ayaa xusay in taageerada iyo iskaashiga caalamiga ah ay muhiim u yihiin horumarinta awoodda Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan xilli dalka uu ku jiro dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo awoodda hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday dhinacyada ka qaybgalay inay iska xog-wareystaan xaaladda guud ee Booliska, baahiyaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo howlaha amniga iyo adeegyada booliska.
Mas’uuliyiinta kulanka ka qaybgalay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamka, si loo taageero dhismaha hay’adaha amniga iyo kor u qaadista awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa kusoo aadaya iyadoo Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga, laguna horumarinayo awoodda ciidamada si ay si madax-bannaan oo hufan uga howlgalaan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.