Aqalka Sare oo ansixiyay xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehelliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Kulanka ayaa looga hadlay ajandayaal muhiim ah oo la xiriiray shaqada sharci-dejinta iyo howlaha hay’adaha dowladda, waxaana ajandaha kulanka uu ka koobnaa saddex qodob oo kala ahaa ansixinta xubinta buuxinaysa jagada ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, iyo akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.

Ugu horreyn, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Maryan Cali Abuukar, ayaa Golaha Aqalka Sare hor keentay xubinta loo soo magacaabay buuxinta jagada ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa Sanatarrada Aqalka Sare ka codsatay inay xubinta loo soo magacaabay siiyaan codka kalsoonida, si ay uga mid noqoto Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, una gudato waajibaadka iyo masuuliyadaha shaqo ee loo igmaday.

Kadib markii xubinta la horgeeyay Golaha, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa ka dooday arrinta, waxaana ugu dambeyn la ansixiyay xubinta loo magacaabay inay kamid noqoto Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ansixinta xubintan ayaa kamid ahayd qodobadii ugu horreeyay ee kulanka, iyadoo Golaha uu intaas kadib u gudbay qodobada kale ee ajandaha, gaar ahaan akhrinta koowaad ee laba Hindise-sharciyeed oo muhiim u ah maamulka iyo horumarinta adeegyada dalka.

Qodobka labaad ee ajandaha ayaa ahaa Akhrinta Koowaad ee Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada.

Hindise-sharciyeedkan waxaa Golaha hor keenay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cali Xaaji, oo Sanatarrada Aqalka Sare la wadaagay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya yeelato hay’ad awood u leh isku-dubbaridka iyo horumarinta adeegyada saadaasha hawada iyo cimilada.

Waxaa sidoo kale la sharaxay baahida loo qabo in la helo nidaam sharciyeed oo qeexaya shaqada, waajibaadka iyo awoodaha hay’adda, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay wajahdo saameynno kala duwan oo ka dhasha isbeddelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee la xiriira cimilada.

Golaha ayaa sidoo kale dhageystay Akhrinta Koowaad ee Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya, kaas oo soo jeedintiisa uu Golaha hor keenay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye.

Wasiiru-dowlaha ayaa Sanatarrada u sharaxay muhiimadda uu hindise-sharciyeedkan u leeyahay amniga iyo ilaalinta xogta dalka, iyadoo adeegsiga internet-ka iyo tiknoolajiyadda casriga ah uu si weyn ugu sii fidayo hay’adaha dowladda, ganacsiyada iyo bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kulanka lagu xusay in amniga saybarku uu yahay arrin muhiim ah oo u baahan nidaam sharciyeed cad, si loo ilaaliyo xogaha muhiimka ah, nidaamyada dowladda iyo adeegyada dhijitaalka ah, loogana hortago khataraha ka dhalan kara weerarrada dhijitaalka ah iyo falalka waxyeellada u geysan kara kaabayaasha tiknoolajiyadda dalka.

Labada masuul ee soo bandhigay Hindise-sharciyeedyada ayaa Sanatarrada la wadaagay ujeeddooyinka sharciyadan, muhiimadda ay u leeyihiin dalka iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo faa’iidooyinka laga filayo marka ay si rasmi ah u hirgalaan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah howlaha sharci-dejinta ee Kalfadhiga 8-aad ee Aqalka Sare, iyadoo Golaha uu sii wadi doono ka shaqeynta hindise-sharciyeedyada iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah dowladnimada, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulamada noocan ah ayaa muhiim u ah shaqada Baarlamaanka, maadaama ay fursad u siinayaan Sanatarrada inay si qoto dheer uga doodaan sharciyada dalka loo sameynayo, ujeeddooyinkooda iyo saameynta ay ku yeelan karaan shacabka iyo hay’adaha dowladda.