NISA iyo saaxiibada caalamka oo Jilib ku dilay madaxii guud ee sirdoonka Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku dilay Cabdullaahi Xaashi Labajir, oo loo yaqaanay Ikhlaas, kaas oo lagu sheegay inuu ahaa madaxii guud ee sirdoonka kooxda Khawaarijta.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu dhacay 23-kii Agoosto, iyadoo bartilmaameedka uu ahaa mid ka mid ah xubnaha ugu sarreeya ee hoggaanka kooxda, kaas oo muddo dheer mas’uul ka ahaa howlaha sirdoonka iyo xog-ururinta kooxda.

Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas) ayaa xilka madaxnimada sirdoonka Khawaarijta hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, waxaana lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu halista badan ee ku jiray hoggaanka sare ee kooxda.

Sida lagu sheegay xogta la bixiyay, Ikhlaas wuxuu muddo ka badan toban sano ku jiray jago muhiim ah oo la xiriirta sirdoonka, isagoo door weyn ku lahaa qorsheynta iyo isku-dubbaridka howlaha xog-ururinta ee kooxda.

Dilka Ikhlaas ayaa noqonaya khasaare culus oo soo gaaray hoggaanka sare ee Khawaarijta, gaar ahaan dhinaca sirdoonka, maadaama uu muddo dheer hayay xil muhiim ah oo u saamaxayay kooxda inay hesho xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo xaaladaha amni.

Howlgallada noocan ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay ku wadaan deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo bartilmaameedku yahay in la wiiqo awoodda hoggaamineed, sirdoon iyo abaabul ee kooxda.