Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur Galbeed, taas oo lagu sameeyay dib-u-casriyeyn iyo horumarin.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xarunta Wasaaradda waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta, Wasiir Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo howlwadeennada Wasaaradda.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Hoggaamiyaha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Wasaaradda, isagoo u kuurgalay habsami-u-socodka shaqada, adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada iyo howlaha muhiimka ah ee la xiriira warfaafinta, wacyigelinta bulshada iyo gudbinta xogaha rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bogaadiyay dadaallada lagu sameeyay dib-u-casriyeynta iyo horumarinta xarunta Wasaaradda, isagoo sheegay in xarumaha hay’adaha Maamulka loo baahan yahay in loo sameeyo jawi shaqo oo casri ah, si masuuliyiinta iyo howlwadeennadu ay u gutaan waajibaadkooda si hufan.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in Wasaaradda Warfaafintu ay tahay hay’ad muhiim u ah xiriirka Maamulka iyo shacabka, maadaama ay mas’uul ka tahay gudbinta xogaha rasmiga ah, wacyigelinta bulshada iyo soo bandhigidda howlaha iyo adeegyada Maamulka.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale ballanqaaday in Maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar u yahay dhammaystirka iyo taageerada wax kasta oo ka dhiman horumarinta Wasaaradda, si loo sii xoojiyo awoodda iyo waxqabadka hay’adda.
Dhanka kale, Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiinta Wasaaradda, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Mudane Nuur Siidow Baba, ku adkeeyay in la sii xoojiyo tayeynta shaqada warfaafinta iyo kor u qaadista adeegyada loo fidiyo bulshada.
Wuxuu sidoo kale faray in si weyn loo adeegsado tiknoolajiyadda casriga ah iyo hababka cusub ee warbaahinta, si shacabka Koonfur Galbeed loo gaarsiiyo xog sugan, degdeg ah oo la isku halayn karo.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay hay’adaha Maamulku u fidiyaan shacabka.