Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, warbixin faahfaahsan ka siiyay xaaladda guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan dalka.
Taliyaha ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay howlgallada socda ee lagu beegsanayo kooxaha Khawaarijta, kuwaas oo ciidamada Soomaaliyeed ay ka wadaan goobo kala duwan, iyadoo ujeeddadu tahay in laga saaro deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan iyo in la xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.
S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale Madaxweynaha la wadaagay qorshayaasha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee la xiriira horumarinta iyo tayeynta ciidamada, isagoo sharaxaad ka bixiyay qorshayaasha istiraatiijiga ah ee Ciidanka loogu diyaarinayo mustaqbalka dhow iyo kan fog.
Qorshayaashaas ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, sare u qaadista tayada iyo tababarka ciidamada, casriyeynta qalabka iyo agabka milatari, iyo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay u yeelan lahaayeen awood buuxda oo ay ugu gudan karaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee difaaca dalka iyo shacabka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed faray in la laba jibbaariyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale amray in la dardargeliyo qorshayaasha casriyeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh awood, tababar iyo qalab ku filan oo si hufan uga jawaabi kara caqabadaha amni ee dalka ka jira.
Amarka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo milatari oo ka dhan ah Khawaarijta, kuwaas oo looga gol leeyahay in kooxda laga saaro goobaha ay ku sugan yihiin, lana xoojiyo gacan-ku-haynta dowladda ee deegaanada dalka.
Madaxweynaha ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku boorriyay inay sii wadaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, isla markaana ay xoogga saaraan sidii loo dardargelin lahaa hawlgallada iyo dib-u-dhiska awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed