Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Kooxda AS ka wada duleedka deegaanka Basra, oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee lagu baacsanayo Kooxda AS, iyadoo ciidamada dowladda ay ka howlgallayaan deegaano iyo dhul-daaqsimeedyo ku dhow deegaanka Basra.
Ciidamada ayaa baaritaanno iyo howlgallo qorsheysan ka wada goobaha la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan Kooxda AS, waxaana ujeeddadu tahay in laga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxda iyo in la xaqiijiyo amniga deegaanada ku dhow xadka labada gobol.
Basra iyo deegaanada ku hareereysan ayaa muddooyinkii dambe ahaa goobo ay ciidamada dowladda ka wadeen howlgallo ka dhan ah Kooxda AS, iyadoo la doonayo in la xoojiyo gacan-ku-haynta dowladda iyo amniga shacabka ku nool deegaannadaasi.
Ciidamada Qalabka Sida ayaa wada howlgalka, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo natiijada howlgalka iyo xaaladda deegaanka marka uu soo idlaado.