Madaxweyne Siciid Deni oo Boosaaso kula kulmay Saraakiil Sare oo ka tirsan AFRICOM

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), kuwaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel James Rose.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Maamulka Puntland iyo Dowladda Maraykanka, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga xeebaha iyo badaha.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta dhismaha saldhigga Maraykanka ee magaalada Boosaaso, kaas oo qeyb ka noqon kara iskaashiga dhinaca amniga iyo xoojinta awoodda lagula tacaalayo khataraha amni ee ka jira gobolka.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay iskaashiga hawlgallada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadow, iyadoo xoogga la saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinaca sirdoonka, tababarrada iyo hawlgallada amni.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha la xiriira la-dagaallanka burcad-badeedda iyo sugidda amniga badda, oo ah arrimo muhiim u ah Puntland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan ilaalinta xeebaha iyo maraakiibta isticmaala marin-biyoodka gobolka.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiisha AFRICOM ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta iyo tayeynta tababarrada Ciidamada Difaaca Puntland, si loo kordhiyo awoodda ciidamada ee ka hortagga khataraha amni iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa kulanka waxaa kala qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo saraakiil ciidan.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Maamulka Puntland uu xoogga saarayo xoojinta hawlgallada amni iyo iskaashiga uu la leeyahay saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo ilaalinta amniga badaha.