Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania.

Wasiiru Dowlaha ayaa waxaa Safaaradda si diirran ugu soo dhaweeyey Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania, Mudane Ilyaas Cali Xasan, iyo masuuliyiinta iyo diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiiru Dowlaha ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay masuuliyiinta Safaaradda, kuwaas oo uga warbixiyey xaaladda guud ee shaqada Safaaradda, adeegyada ay u fidiso muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Wasiiru Dowlaha Xirsi Jaamac Gaani ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo arrimaha la xiriira danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Tanzania.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay dardargelinta adeegyada qunsuliyadeed iyo kuwa kale ee loo qabto muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo masuuliyiinta Safaaradda ku boorriyey inay sii xoojiyaan dadaallada loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania.

Dhanka kale, Wasiiru Dowlaha iyo wafdigiisa ayaa kulan casho-sharaf ah la qaatay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee hormuudka ka ah ganacsiga dalka Tanzania.

Kulanka ayaa looga hadlay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhaqaalaha Tanzania, fursadaha maalgashi ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania.

Ganacsatada ayaa Wasiiru Dowlaha la wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan caqabadaha jira iyo fursadaha ganacsi ee ay ka faa’iideysan karaan ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo xoogga la saaray sidii loo abuuri lahaa jawi dhiirrigeliya maalgashiga iyo iskaashiga ganacsi.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan xoojinta xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, isagoo ku boorriyey inay sii ballaariyaan maalgashigooda iyo fursadaha ganacsi.

Booqashada Wasiiru Dowlaha ee Tanzania ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Tanzania, iyadoo sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo taageerada muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal.