Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia.
Madaxweynaha ayaa shirka uga hadlay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida maanta horyaalla, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo wadajirka caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in caqabadaha ay ka mid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu ay u baahan yihiin xalal ku dhisan iskaashi iyo dadaal wadajir ah oo ay sameeyaan dalalka caalamka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shirka ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xasillinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiyaan, isagoo adkeeyay in iskaashiga caalamiga ah uu muhiim u yahay gaarista nabad waarta, horumar iyo xasillooni.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee mabaadii’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka si nabadeed.