Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan heer sare ah oo looga hadlay xoojinta diyaar-garowga iyo ka jawaabista khataraha ka dhalan kara isbeddelka cimilada, gaar ahaan saameynta laga filayo El Niño-ga 2026.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wasiirrada u qaabilsan arrimaha gargaarka ee Dowlad-goboleedyada, Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo bah-wadaagta bani’aadannimada ee ka howlgala Soomaaliya.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada la siinayo Dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan hababka isku-duwidda hawlaha bani’aadannimo ee heer maamul-goboleed iyo heer degmo. Waxaa sidoo kale muhiimad gaar ah la siiyay diyaar-garowga hore, nidaamyada digniinta hore iyo sidii loo heli lahaa hannaan degdeg ah oo looga jawaabo khataraha dabiiciga ah iyo kuwa la xiriira isbeddelka cimilada.
Mas’uuliyiinta iyo bah-wadaagta ka qeyb galay kulanka ayaa isla eegay baahida loo qabo in la sii xoojiyo qorshayaasha diyaar-garowga, si bulshada nugul loo gaarsiiyo digniino iyo gargaar waqtigiisa ku habboon, loogana hortago in xaaladaha cimiladu ay isu beddelaan musiibo saameyn ballaaran ku yeelata nolosha iyo nolol-maalmeedka shacabka.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in digniinaha hore aysan ku ekaan oo keliya xog uruurin iyo saadaal, balse loo beddelo tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah. Tani waxay muhiim u tahay in hay’adaha dowladda, Dowlad-goboleedyada iyo bah-wadaagta bani’aadannimadu ay si wadajir ah ugu diyaar garoobaan xaaladaha degdegga ah.
Ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen in la xoojiyo awoodda Dowlad-goboleedyada iyo degmooyinka, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, isku-duwidda, xog-wadaagga, digniinta hore iyo jawaabta degdegga ah. Arrintan ayaa muhiim u ah in kheyraadka iyo gargaarka loo baahan yahay si hufan loogu gaarsiiyo bulshada ay saameyn karaan khataraha cimilada.
Hay’adda SoDMA iyo Dowlad-goboleedyada ayaa sidoo kale ugu baaqay bah-wadaagta bani’aadannimada iyo kuwa horumarinta inay sii xoojiyaan taageerada farsamo, dhaqaale, shaqaale iyo saadka ee loogu baahan yahay diyaar-garowga El Niño 2026.
Waxay sidoo kale codsadeen in barnaamijyada iyo mashaariicda hay’adaha taageerada bixiya lagu waafajiyo mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qabanayo khataraha ka dhalan kara isbeddelka cimilada.
SoDMA ayaa sheegtay in iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah uu muhiim u yahay xoojinta awoodda dalka ee ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga Soomaaliya ee ku aaddan xaaladaha cimilada ee la filayo, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo in bulshada nugul loo diyaariyo taageero iyo jawaab degdeg ah, si loo yareeyo saameynta ay musiibooyinka dabiiciga ah ku yeelan karaan shacabka iyo adeegyada aasaasiga ah.