Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo wafdi ka socda hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan magaalada Oslo ee dalka Norway kaga qayb-galaya kulan khibrad-is-weydaarsi ah oo diiradda lagu saarayo muhiimadda adeegsiga xogta iyo nidaamyada aqoonsiga si wax looga qabto caqabadaha ka dhasha barakaca gudaha Soomaaliya.
Kulankan oo ah mid muhiim u ah is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta la xiriirta maaraynta xogta dadka barakacayaasha ah ayaa waxaa fududeynaya UNDP Soomaaliya iyo Sanduuqa IDSF, iyadoo martigelinta kulanka ay mas’uul ka tahay Hay’adda Tirakoobka Norway (Statistics Norway). Ka-qaybgalka wafdiga Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda ee ku aaddan ururinta, maaraynta iyo adeegsiga xog sugan oo laga gaari karo go’aanno wax-ku-ool ah.
Inta uu socdo kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa sidii loo heli lahaa xog sax ah, sugan oo la isku hallayn karo, taas oo laf-dhabar u noqon karta fahamka xaaladda dhabta ah ee dadka barakacayaasha ah iyo baahiyaha ay qabaan. Xogta noocaas ah ayaa muhiim u ah in baahiyaha dadka barakacayaasha ah si buuxda loogu daro tirakoobka qaranka, siyaasadaha dowladda, qorshayaasha horumarineed iyo barnaamijyada loogu talagalay wax-ka-qabashada arrimaha barakaca.
Dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ayaa wajahaya baahiyo kala duwan oo la xiriira adeegyada aasaasiga ah iyo xaaladahooda nololeed, waxaana muhiim ah in hay’adaha dowladda ay helaan xog dhammeystiran oo ka caawisa qorsheynta iyo gaarsiinta adeegyada ku habboon bulshada. Sidaas darteed, adeegsiga xog sax ah iyo nidaamyo aqoonsi oo hufan ayaa door muhiim ah ka qaadan kara qorsheynta adeegyada iyo siyaasadaha ku wajahan dadka barakacay.
Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa sidoo kale bilowday hindise lagu diiwaangelinayo dadka ku nool xeryaha barakacayaasha, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo nidaam aqoonsi qaran oo loo dhan yahay. Hindisahan ayaa muhiim u ah sidii dadka barakacayaasha ah loogu xaqiijin lahaa in ay helaan aqoonsi rasmi ah, isla markaana xogtooda loogu daro nidaamyada qaranka ee diiwaangelinta iyo qorsheynta adeegyada.
Diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadka barakacayaasha ah waxay sidoo kale gacan ka geysan karaan in la helo xog mideysan oo lagu saleyn karo siyaasadaha iyo qorshayaasha dowladda, iyadoo la hubinayo in bulshada nugul aysan ka maqnaan nidaamyada rasmiga ah ee qaranka.
Kulanka khibrad-is-weydaarsiga ah ee ka socda magaalada Oslo ayaa sidoo kale fursad u siinaya Soomaaliya iyo hay’adaha ka qeyb-galaya in ay ka faa’iideystaan khibradaha caalamiga ah iyo hababka casriga ah ee loo adeegsado ururinta iyo maaraynta xogta, gaar ahaan xogta la xiriirta dadka barakacayaasha ah, aqoonsiga iyo qorsheynta adeegyada bulshada.
Ka-qaybgalka wafdiga Soomaaliya ayaa la filayaa in uu gacan ka geysto xoojinta aqoonta iyo khibradda hay’adaha dowladda, iyadoo la baranayo hababka iyo waayo-aragnimada dalalka kale ee ku saabsan sida xogta loogu adeegsan karo wax-ka-qabashada caqabadaha barakaca iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Kulanka oo weli ka socda magaalada Oslo ayaa ugu dambeyn la filayaa in uu noqdo madal muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada xogta, aqoonsiga iyo qorsheynta siyaasadaha ku wajahan dadka barakacayaasha ah.
Dadaalladan ayaa qeyb ka ah jihada lagu dhisayo nidaam aqoonsi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo awood u siinaya dowladda in ay si wanaagsan u fahamto baahiyaha bulshada, una qorsheyso adeegyo iyo barnaamijyo ku saleysan xog dhab ah oo la isku hallayn karo.