Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay bahda Filimada Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim, oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda shirkadaha, ururrada iyo khubarada ka shaqeeya arrimaha Filimada Soomaaliyeed.

Kulankan oo diiradda lagu saaray horumarinta iyo kobcinta Filimada dalka ayaa looga hadlay sidii loo abuuri lahaa wada-shaqeyn dhow oo dhex marta Wasaaradda Warfaafinta iyo dhammaan shirkadaha, ururrada iyo hay’adaha ku howlan soo saarista iyo horumarinta Filimada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in Filimadu ay yihiin qeyb muhiim ah oo ka mid ah warshadaha dhaqanka iyo hal-abuurka, isla markaana ay door weyn ka qaadan karaan ilaalinta iyo gudbinta dhaqanka Soomaaliyeed, dhiirrigelinta hal-abuurka dhalinyarada iyo kobcinta fursadaha shaqo ee ka jira dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin kala duwan oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa howlaha Filimada, loona sameyn lahaa hannaan wada-shaqeyn oo mideeya bahda Filimada iyo hay’adaha dowladda ee ay khuseyso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa ka qeybgalayaasha kulanka u sharaxay shuruucda iyo xeerarka la xiriira Filimada, isagoo si gaar ah uga hadlay arrimaha xuquuqda daabacaadda (Copyright), ilaalinta hantida maskaxeed iyo muhiimadda ay leedahay in dadka ku shaqeeya Filimada ay helaan nidaam sharci oo ilaaliya wax-soo-saarkooda.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu faahfaahiyay qorshaha dhismaha Guddiga Kala-saarista Filimada Qaranka (National Film Commission), kaas oo la filayo inuu door ka qaato nidaaminta, kala-saarista iyo horumarinta wax-soo-saarka Filimada ee dalka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la helo hannaan wadajir ah oo lagu horumarinayo warshadaha Filimada Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo eegayo ilaalinta dhaqanka suuban, anshaxa iyo asluubta bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii Filimada loogu adeegsan lahaa horumarinta dalxiiska, soo bandhigidda dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya, iyo abuurista sawir wanaagsan oo dalka iyo dadkiisa laga gudbin karo gudaha iyo dibadda.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo Filimo tayo leh oo ka tarjumaya dhaqanka, taariikhda, nolosha iyo hal-abuurka bulshada Soomaaliyeed, iyadoo laga fogaanayo waxyaabaha dhaawici kara dhaqanka iyo anshaxa bulshada.

Dhanka kale, ka qeybgalayaasha kulanka ayaa soo jeediyay talooyin iyo hindisayaal kala duwan oo lagu horumarin karo waaxda Filimada, iyagoo si gaar ah u soo jeediyay dib-u-soo-nooleynta Maqaamka Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ad ama hannaan si gaar ah uga shaqeeya arrimaha Filimada.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen in la kordhiyo fursadaha tababarrada xirfadeed ee dhalinyarada ku howlan Filimada, si loo kobciyo aqoontooda iyo xirfaddooda, loona helo jiil cusub oo awood u leh soo saarista Filimo tayo leh oo la jaanqaadi kara heerarka caalamiga ah.

Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado shaqo oo dheeraad ah oo ku saabsan Filimada, gaar ahaan dhinacyada jilitaanka, qoraalka, duubista, tafatirka, agaasinka iyo farsamooyinka kale ee la xiriira wax-soo-saarka Filimada.

Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in la sameeyo abaalmarinno iyo barnaamijyo lagu dhiirrigelinayo dadka ku shaqeeya Filimada, si loo aqoonsado hal-abuurka iyo wax-soo-saarka wanaagsan, loona dhiirrigeliyo dhalinyarada Soomaaliyeed inay sii wadaan shaqada fanka iyo Filimada.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-hadallada iyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo bahda Filimada Soomaaliyeed, si loo dhiso jawi u sahla horumarinta warshadaha Filimada iyo hal-abuurka dalka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda horumarinta Filimada Soomaaliyeed, ilaalinta dhaqanka iyo anshaxa bulshada, iyo abuurista fursado cusub oo ay dhalinyaradu kaga qeyb qaadan karaan horumarinta warshadaha hal-abuurka iyo dhaqanka Soomaaliya.