Aqalka Sare oo Akhrinta Labaad Marsiiyay Hindise Sharciyeedka La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir-guddoomiyey Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 3-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka, kaas oo ka mid ah sharciyada muhiimka ah ee la doonayo in dib loogu habeeyo si loo waafajiyo xaaladda amni iyo baahiyaha ka jira dalka.

Ugu horreyn, Senator Saciid Cabdi Xuseen (Cawke), oo ka tirsan Guddiga Garsoorka, ayaa Golaha Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka. Waxa uu si faahfaahsan u soo bandhigay qodobadii iyo farqadihii lagu sameeyay wax-ka-beddelka, sixidda, toosinta iyo habaynta sharciga.

Kaddib markii warbixinta la jeediyay, ayaa Senatorrada Aqalka Sare waxay si rasmi ah u guda galeen ka-doodista Hindise Sharciyeedka, iyagoo soo bandhigay aragtiyo, talooyin iyo soo jeedinno ku saabsan qodobada kala duwan ee sharciga.

Doodda Senatorrada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa sharciga la-dagaallanka burcad-badeedda iyo ka-hortagga afduubka, iyadoo la tixgelinayo duruufaha amni, sharci iyo bulsho ee dalka ka jira.

Senatorrada ayaa sidoo kale soo jeediyay in qodobbada sharciga loo habeeyo si ay si cad u qeexaan waajibaadka hay’adaha ay khusayso, habka looga hortagayo falalka burcad-badeednimada iyo afduubka, iyo tallaabooyinka sharci ee laga qaadi karo dadka ku lug yeesha falalka noocan ah.

Hindise Sharciyeedkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama dalka uu leeyahay xeeb dheer oo u baahan ilaalin joogto ah iyo hannaan sharci oo awood u siinaya hay’adaha dowladda inay si wax-ku-ool ah uga hortagaan falalka khatarta ku ah amniga badda iyo badqabka dadka.

Kulanka Aqalka Sare ayaa qayb ka ah hawlaha sharci-dejinta ee Golaha, iyadoo dib-u-eegista iyo casriyeynta sharciyada dalka ay muhiim u tahay xoojinta hay’adaha dowladda, sugidda amniga iyo la jaanqaadidda shuruucda gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Ugu dambeyn, doodda Senatorrada ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay in Hindise Sharciyeedka loo diyaariyo qaab dhameystiran oo wax ka tari kara la-dagaallanka burcad-badeedda iyo ka-hortagga afduubka, iyadoo la ilaalinayo mabaadi’da cadaaladda iyo sharciga