Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo gaaray Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, ayaa gaaray magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu kulan iyo kormeer shaqo ka bilaabay.

Taliyaha waxaa safarka ku wehliyay Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktriinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Axmed Ciise Axmed, Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Faarax Cali Cartan, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Booqashada wafdigan ayaa la xiriirta xaaladda guud ee amniga Gobolka Gedo iyo howlaha ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan gobolka. Saraakiisha ayaa inta ay ku sugan yihiin Baardheere lagu wadaa inay u kuurgalaan xaaladda ciidamada, goobaha ay ku sugan yihiin iyo howlaha amni ee socda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa sidoo kale qiimeyn ku sameynaya diyaar-garowga iyo awoodda ciidamada, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo sii xoojin lahaa isku-duwidda howlaha ciidamada, tababarrada iyo adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah ee taageerta howlaha amniga.

Sidoo kale, booqashada ayaa fursad u ah saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay si toos ah ula kulmaan ciidamada ku sugan Baardheere iyo deegaannada Gobolka Gedo, si ay uga dhageystaan xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo caqabadaha jira.

Gobolka Gedo ayaa kamid ah gobollada muhiimka ah ee dhanka amniga, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlo ciidan oo lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxda AS.

Imaatinka Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiisha kale ee sare ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu sare u qaado isku-xirka taliska dhexe iyo ciidamada ku howlan sugidda amniga gobolka, iyadoo la dardar-gelinayo qorshayaasha lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ayaa inta ay joogaan Baardheere sii wadi doona kulamada iyo kormeerka goobaha ciidamada, iyadoo laga filayo in booqashadu ay qeyb ka noqoto qorshayaasha lagu horumarinayo howlaha ciidanka iyo xoojinta amniga Gobolka Gedo.