Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday Taliska Qaybta 1-aad ee Gorgor

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada Guutada 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa markii uu gaaray xarunta waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, G/le Sare Saahid Jaamac Faarax Jarrare, iyo saraakiil kale oo ka tirsan taliska. Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd kormeerro shaqo oo lagu qiimeynayo xaaladda ciidamada, howlaha loo igmaday iyo heerka diyaargarowga ciidanka.

Intii uu Taliyaha la hadlayay saraakiisha iyo ciidamada Guutada 21-aad, wuxuu kula dardaarmay inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, iyagoo ilaalinaya anshaxa, kala dambeynta iyo isku-duubnida ciidanka.

S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale ciidamada ku boorriyay inay joogteeyaan heeganka iyo diyaargarowga ciidan, si ay mar walba ugu diyaar garoobaan gudashada waajibaadka amni ee loo igmaday iyo difaaca dalka.

Taliyaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay yeeshaan feejignaan joogto ah, wada-shaqeyn iyo isku-xirnaan, maadaama arrimahaasi ay muhiim u yihiin tayeynta howlaha ciidanka iyo xaqiijinta amniga.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaanka ee Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee ciidanka, howlaha socda, caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa waajibaadka loo igmaday ciidamada.

Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa diyaargarowga ciidamada, kor loogu qaadi lahaa hufnaanta shaqo iyo in la xoojiyo nidaamka hoggaamineed iyo isku-xirka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Booqashada waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Taliska Taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen (Garebey), iyadoo kulamada iyo wada-tashiyada lagu xoogga saaray xoojinta hoggaanka, isku-xirka howlaha iyo taakulaynta ciidamada.

Taliska Taakulaynta ayaa door muhiim ah ku leh sidii ciidamada loo siin lahaa taageerada iyo agabka ay u baahan yihiin, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kormeerka Taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu dardar gelinayo howlaha lagu xoojinayo awoodda ciidamada, tayeynta hoggaanka iyo sare u qaadista heerka diyaargarowga ciidan.

Ujeeddada booqashada ayaa sidoo kale ahayd in Taliska Sare uu si dhow ula socdo xaaladda ciidamada ku sugan goobaha ay ka howlgalaan, lana hubiyo in ciidamada ay haystaan taageerada iyo hagidda lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkooda qaran.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ku xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa talisyada kala duwan, saraakiisha iyo ciidamada, iyadoo la doonayo in la helo ciidan leh diyaargarow sare, anshax wanaagsan iyo awood hawlgal oo hufan.