Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Soomaaliya ahna Ku-simaha Wakiilka, Marwo Jing Song.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda Qorsheynta iyo UNHCR, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, isku-duwidda, kormeerka iyo qiimeynta barnaamijyada ay hay’addu ka fuliso Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii barnaamijyada UNHCR ay si dhow ula jaanqaadi lahaayeen mudnaanta ku xusan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), si loo xaqiijiyo in taageerada iyo mashaariicda la fulinayo ay si toos ah uga qayb qaataan horumarinta dalka iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga dhinaca xogta iyo caddaymaha, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo helitaanka xog sugan oo lagu saleeyo qorsheynta, qiimeynta barnaamijyada iyo go’aan-qaadashada.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la horumariyo qaab iskaashi oo cusub, kaas oo qeexaya meelaha mudnaanta leh, hababka isku-duwidda iyo doorarka labada dhinac, si loo sii xoojiyo wada shaqeynta iyo taageerada loo fidinayo hirgelinta mudnaanta qaranka.
Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay qabanqaabada kulan gaar ah oo lagu maamuusayo 75-guurada Axdiga Qaxootiga ee 1951, kaas oo la qorsheeyay in lagu qabto inta uu socdo Kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA).
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan sidii barnaamijyada taageerada iyo horumarinta loogu waafajin lahaa qorshayaasha iyo mudnaanta dowladda Soomaaliya.