Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo UN-ka kala hadlay xoojinta dhaqaalaha Soomaaliya

Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC), oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa magaalada Muqdisho kulan wada-tashi ah kula yeeshay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay Hindisaha Xoojinta Dhaqaale Nabadeed, kaas oo ku saleysan Hiigsiga Qarni-jirka 2060 (CV2060) iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo koboca dhaqaalaha iyo fursadaha ka dhasha nabadda iyo xasilloonida dalka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa kulanka ku soo bandhigay natiijooyin muhiim ah oo kasoo baxay sahan laga qaaday bulshada iyo daraasad uu Goluhu sameeyay, kuwaas oo la xiriira xaaladda dhaqaalaha iyo fursadaha lagu dardargelin karo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

George Conway, oo ah Isku-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyay horumarka dalka ee dhinacyada nabadda iyo koboca dhaqdhaqaaqyada ganacsi, isagoo xusay in nabaddu ay horseedayso fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

Hindisahan oo ku saleysan cilmi-baaris iyo xog dhaqaale ayaa si qoto dheer loogu eegi doonaa qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka, si loo aqoonsado fursadaha jira, loo xoojiyo koboca dhaqaalaha, loona dardargeliyo isbeddel dhaqaale oo waara.