Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo daahfuray Madasha Istiraatiijiyadda Warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Warbaahinta 2026 (SCF2026), oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa khudbaddiisa ku xusay doorka muhiimka ah ee warbaahintu ku leedahay dowlad-dhiska, dimuqraadiyadda iyo horumarka dalka, isagoo tilmaamay in warbaahin xor ah, xirfad leh oo lagu kalsoonaan karo ay laf-dhabar u tahay bulshada xog-ogaalka ah iyo dowlad si wanaagsan ula falgasha shacabka.

Mudane Jibriil ayaa sheegay in warbaahinta Soomaaliya ay soo martay marxalado kala duwan, balse sannadihii u dambeeyay ay sameysay horumar muuqda, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta casriga ah, tayada wax-soo-saarka, adeegsiga baraha bulshada iyo soo bixitaanka jiil cusub oo isugu jira suxufiyiin iyo hal-abuurayaal.

“Warbaahintu waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska, dimuqraadiyadda iyo horumarka dalka. Warbaahin xor ah, xirfad leh oo lagu kalsoonaan karo waxay bulshada gaarsiisaa xog sugan, waxay xoojisaa isla-xisaabtanka, waxayna dhistaa kalsoonida ka dhexeysa Dowladda iyo shacabka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale bogaadiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, iyo guddiga qabanqaabada Madasha, isagoo ku ammaanay dadaallada ay ku bixiyeen qabsoomidda madashan muhiimka ah.

Ugu dambeyn, Mudane Jibriil ayaa ka qeybgalayaasha ku dhiirrigeliyey inay doodaha, aragtiyada iyo talooyinka kasoo baxa Madasha u beddelaan talooyin wax-ku-ool ah iyo tallaabooyin la taaban karo, kuwaas oo horseedi kara horumar waara iyo tayeyn guud oo ku yimaada warbaahinta Soomaaliyeed.