Madaxweynaha Maamulka Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay markii ugu horeysay Shirkii lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Beljam-ka kaas oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo arrimo kale
Waxa uu sheegay Muuse Biixi in shirkaas loo qabtay Soomaaliya islamarkaana sheegay in shirkaas aan u qalmin Soomaaliland in ay ka qeyb gasho,waxa uunta tilmaamay in ay iska diideyn ka qeyb galka shirkaas sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Soomaaliland markii uu arkay Guddoomiyayhan Xisbiga Mucaaradka ee UCID,Fasal Cali Waraabe oo la fadhiyo Madaxweyna soomaaliya iyo tegitaankii madasha shirka ay amakaag ku noqotay.
Kulankii Magalada Brussels ee dalka Biljamk-ka ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyayhan Xisbiga Mucaaradka ee UCID,Fasal Cali Waraabe ayaa waxaa intiisa badan looga Hadley qaboojinta xiisada deegaanka Tukaraq.
Hoos Ka Dhageyso Codka Muuse Biixi.