Munaasabad lagu xusay dhalashada Nabigeenna Muxammad ﷺ oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Machadka Barashada Qiraa’atka iyo Culuumta Shareecada ee Al-Ceydaruus, faraciisa magaalada Dhuusamareeb, ayaa qabtay munaasabad lagu xusayey dhalashada Nabigeenna Muxammad ﷺ.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Maamulka Caasimadda Dhuusamareeb, Sheekhul Beledka magaalada Dhuusamareeb Sheekh Cali Nuur Cilmi, iyo masuuliyiin kale.

Ugu horreyn, munaasabadda waxaa lagu furay qasiidooyin lagu ammaanayo Nabigeenna Muxammad ﷺ, kuwaas oo ay soo jeediyeen ardayda wax ka barata Machadka Al-Ceydaruus.

Sheekh Muuse Ciise oo ku hadlayay magaca maamulka Machadka ayaa u mahadceliyey masuuliyiintii kala duwan ee kasoo qeybgalay munaasabadda. Waxa uu sheegay in munaasabaddan lagu xusayo laguna weyneynayo dhalashada Nabigeenna Muxammad ﷺ, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in bulshada ay xusuusato taariikhda iyo noloshii suubban ee Rasuulka ﷺ.

Sheekhul Beledka magaalada Dhuusamareeb, Sheekh Cali Nuur Cilmi, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa si dheer uga sheekeeyey taariikhda Nabigeenna Muxammad ﷺ, isagoo bulshada ku boorriyey inay ku daydaan akhlaaqdiisa, dhaqankiisa iyo sunnadiisa.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiqara Juun Bare iyo Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Barakaqabe, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug, ayaa bogaadiyey maamulka Machadka iyo ardayda. Waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka qeybgalka munaasabaddan iyo dadaalka Machadku ku bixinayo barashada Qiraa’atka iyo Culuumta Shareecada.

Guddoomiyaha Caasimadda Dhuusamareeb, Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeybgalka munaasabadda, isagoo bogaadiyey Machadka iyo doorka uu ka qaadanayo waxbarashada diinta iyo tarbiyadda bulshada.

Ugu dambeyn, munaasabadda waxaa soo xiray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Galmudug, Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Bariise, kaas oo sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeybgalka munaasabadda lagu xusay dhalashada Nabigeenna Muxammad ﷺ.