Wafdi ka socda DFS oo khibrad-is-weydaarsi dhijitaal ah ku tegay Pakistan

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqasho shaqo ku joogay dalka Pakistan.

Wafdiga ayaa dalka Pakistan u tegay booqasho khibrad-is-weydaarsi ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta nidaamka Aqoonsiga Aasaasiga ah iyo horumarinta Kaabayaasha Dhijitaalka ah ee Qaranka (DPI), kuwaas oo muhiim u ah fududeynta adeegyada dowladda iyo dhisidda nidaam casri ah oo isku xira adeegyada kala duwan ee bulshada.

Intii ay booqashada ku jireen, mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa kulammo iyo aqoon-is-weydaarsiyo la yeeshay hay’adaha muhiimka ah ee ka shaqeeya horumarinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee Pakistan. Kulamadan waxaa fududeysay Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyadoo labada dhinac ay is dhaafsadeen khibrado iyo aqoon ku saabsan dhismaha iyo maareynta nidaamyada dhijitaalka ah.

Hay’adaha ay kulammada la yeesheen wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Tiknoolojiyadda iyo Isgaarsiinta Pakistan (MoITT), Guddiga Qaranka ee Tiknoolojiyadda iyo Dhismaha Kaabayaasha (NITB), Guddiga Dhiirrigelinta Dhoofinta Software-ka (PSEB), Sanduuqa Qaranka ee Tiknoolojiyadda (IGNITE), iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Pakistan (NTC).

Wada-hadallada ayaa si gaar ah loogu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa isku-xirka nidaamka aqoonsiga qaranka iyo adeegyada dowladda iyo kuwa dhijitaalka ah, iyadoo sidoo kale laga hadlay is-dhaafsiga xogta, halbeegyada iyo tayaynta nidaamyada tiknoolajiyadda, bixinta adeegyada dadweynaha, kaydinta iyo ilaalinta xogta.

Sidoo kale, waxaa kulamada lagu falanqeeyay horumarinta tiknoolajiyadda, kobcinta aqoonta iyo khibradda shaqaalaha, iyo sidii loo dhisi lahaa kaabayaal dhijitaal ah oo waara, ammaan ah, isla markaana awood u leh inay taageeraan adeegyada casriga ah ee dowladda.

Booqashada wafdiga Soomaaliya ayaa qayb ka noqonaysa dadaallada lagu xoojinayo nidaamka aqoonsiga qaranka iyo adeegyada dhijitaalka ah, iyadoo laga faa’iideysanayo khibradaha dalalka horumar ka sameeyay dhinacyada aqoonsiga dijitaalka ah iyo kaabayaasha tiknoolajiyadda.

Khibradaha iyo casharrada laga bartay booqashada Pakistan ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan horumarinta nidaamyada aqoonsiga iyo kaabayaasha dhijitaalka ah ee Soomaaliya, si loo helo adeegyo dowladeed oo casri ah, isku xiran, hufan oo si fudud ay shacabka uga faa’iideystaan.